LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Bayern Munich oo u fasaxaysa United saxiixa laacibkan.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Karl-Heiz Rummenigge ayaa daaha ka rogay in ay fasaxayaan isla markaasna ay dhageysan doonaan dalabyada kasoo gaaraya difaacooda lagu magacaabo Jerome Boateng.

Difaaca heerka caalami ee xulka qaranka Germany ayaa toddobo xilli ciyaareed ku qaatay Bayern garoonkeeda  isagoo kaga soo biiray laacibkii Manchester City sanaddii 2011.

Boateng ayaa la tacaalayay dhibaatooyin dhaawac saddexdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay waxaana 29-jirkan laga waayay qorshaha macallinka cusub ee Bavarian Niko Kovic.

Kovic ayaa u arka inuu booskaas ku haboonyahay isla markaasna uu kasoo bixi karo Nickolas Sule oo 22-jir ah, sidaas darteed Boateng waa iska iibin doonaa, xilli laacibkii Bundesliga-ha rukumatay ay dooneyso inay lacago dhaafsato laacibkeeda.

Macallinka Manchester United ee Jose Mourinho ayaa jaceyl weyn u qaba laacibka asal ahaan kasoo jeeda Ghana ee Boateng, waxaana uu ka mid yahay xiddigaha uu ka baadi goobayo inuu suuqa kala iibsiga xilli ciyaareedkan uu kala boodo.

Macallin Mo ayaa hadalkan u arka mid uu uga bixi karo baahida uu qabo difaac uu la mataaneysiiyo Eric Bailly, xilli uusan la dhacsaneyn Chris Smalling, Phil Jones iyo Victor Lindlof oo u muuqda mid la iska fasixi doono.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII