LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Bartilmaameedka Khadka Dhexe Ee Man United, Fred Oo Farriin Dadban U Diray Red Devils

Bartilmaameedka Manchester United ee khadka dhexe uga dheela Shakhtar Donetsk, Fred ayaa sheegay in uu ku riyoodo koox ka weyn midda uu hadda joogo.

United waxa ay dooneysaa laacibka khadka dhexe ah, hadda Fred waxa uu sheegay in uu doonayo ka tagidda Shakhtar oo uu shantii sano ee la soo dhafay la joogay.

Manchester City ayaa xiiseeneysay xiddigga ay sidoo kale Paris Saint – Germain dooneyso in ay France keento.

Fred waxa uu u sheegay SportTV: “Aad ayaan ugu faraxsannahay Shakhta. Shaqo fiican ayaan halkan ka hayey, laakiin shan sano ayey ahayd.

“Kooxda waan u caddeeyey in aan halkan aad ugu faraxsanaa, laakiin waxaan rabaa in aan meel sare xirfaddeyda ka gaaro. Waxaa jira kooxo kale oo iga xiiseenaya England iyo France. Waxaan rabaa in aan heer sare gaaro, waan u caddeeyey laacibkii.”

Manchester United waxa ay baadi goob weyn ugu jirtaa la soo saxiixashada bedelka mustaqbalka dheer ee Michael Carrick.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII