LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Barcelona, Real Madrid, Inter Milan Iyo 20ka Kooxood Ee Yurub Ee Aan Abid Ka Dhicin Horyaalka Heerka Koowaad

Marka la eego taariikhda, kaliya seddex kooxood oo kala ah Real Madrid, Barcelona iyo Athletic Bilbao ayaa dhamaan kulamadooda horyaalka waxa ay ka ciyaareen kaliya heerka koowaad.

Hadaba liiskaas kooxahee ayaa kula biiri kara seddexdaas kooxood ee reer Spain, waxaana baaris ay sameysay jariirada Isbaanishka ee AS ay ogaatay in 17 kooxood kale oo Yurub ka dhisan inay iyagana heystaan rikoorkaas oo ay waligood kaga ciyaarayeen horyaalka heerka koowaad.

Waxaa xusid mudan in liiskaas aysan ku jirin kooxaha inta ay u soo dalaceen horyaalka heerka koowaad aan weli u laaban heerarka hoose sida laacibkii yar ee Isbaanishka ee Eibar kuwaasoo tan iyo markii ay u soo dalaceen La Liga aan muddo seddex xilli ciyaareed ah u laaban heerka labaad, laakiin waxa ay ka soo ciyaareen heerarka hoose.

20ka kooxood ee aan idiin soo gudbineyno ee ay AS soo bandhigtay waa kooxo waligood aan ka ciyaarin horyaalada heerarka hoose.

Marka laga soo tago seddexda kooxood ee Isbaanishka, ma aamineysaa in kaliya labo kooxood kale oo ka dhisan shanta horyaal ee ugu waa weyn inay ku jiraan liiskaan. Waxaana ay kala yihiin Inter Milan oo waligeed ka ciyaareysay horyaalka heerka koowaad ee Italy iyo Hamburg oo waligeed ka ciyaareysay horyaalka heerka koowaad ee Jarmalka. Waxaana ay taasi la micno tahay in liiskaan aan lagu arki doonin kooxo matalaya England ama France.

Dabcan, waxyaabo badan ayaa iska bedelay kubada, gaar ahaan kubada cagta Ingariiska tan iyo markii la sameeyay Premier League sannadii 1992kii. Laakiin marka dib loo eego horyaalka heerka koowaad ee Ingariiska ee loo aqoon jiray Division One ma jirto koox aan u dhicin heerarka hoose oo Ingariis ah. France iyadana waa la mid.

Kooxaha Yurub Ee Aan Waligood Ka Dhicin Heerka Koowaad:

Spain Italy Germany Portugal
Barcelona Inter Milán Hamburg Porto
Athletic Bilbao Benfica
Real Madrid Sporting
Holland Greece Turkey Scotland
Ajax PAOK Fenerbahçe Aberdeen
PSV Olympiakos Galatasaray Celtic
Feyenoord Panathinaikos Besiktas
Utrecht

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII