LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Barcelona Oo Kasii Fakartay Xidigaha Ay U Dhaqaaqi Doonto Hadii Ay Ku Fahilanto Helitaanka Hector Bellerin.

Barccelona ayaa rajeyneysa iney Arsenal kala soo saxiixato xagaagan daafacooda midig Hector Bellerin, balse waxey diyaarsatay laba dooq oo ay ku dhaqaaqi doonto hadii ay ku fashilmaan da’yarka reer Spain.

Dani Alves ayaa isaga tagay Barcelona, waxeyna u noqotay waqti murugo leh madama ay waayeen daafac midig oo ku haboon inkastoo Sergi Roberto uu hanaan wanaagsan yahay hadana wuxuu ku wanaagsan yahay doorarka dhexe.

Hector Bellerin oo kasoo qalin jabiyay La Masia ayaa si qurux badan uga soo hilaacay Gunners, wuxuuna noqday dooqa koowaad tan iyo markii uu 2011 yimid.

Si kastaba Arsene Wenger ayaa aad u jecel wiilkaan, wuxuuna ku jiraa qorshahiisa hadiiba ay noqoto inuu laacibkii usoo saaro Champions League xili ciyaareedka soo aadan, balse hadii ay noqon weyso lacago qaali ah ayuu ugu kici doonaa Barcelona.

Balaugrana waxey markaan dooqa labaad u heysataa Cesar Azpilicueta iyo Alvaro Ordiozola hadii ay ku fashilanto Bellerin.

Daafaca ugu hanaanka wanaagsan Chelsea iyo daafaca da’da yar ee laacibkii Real Sociedad ayey dooneysaa laacibkii Camp Nou ka dhisan iney ku xoojiso shaxdeeeda.

Dhanka kale warbixinada waxey sheegayaan in Barcelona ay ku adkaan doonto iney helaan Cesar madama uu heshiis ilaa 2020 kula jiro Chelsea, balse ay heli karaan Ordiozola kaas oo aan lagu iibin doonin qiimo ka yar 30 Malyan oo Euro.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII