LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Barcelona Oo Gunno Waalli Ah Ku Siin Doonta Lionel Messi Heshiiskiisa Cusub & Qorshaha Lagu Iibinayo Xuquuqda Magaca Camp Nou Oo Caawineysa.

Lionel Messi ayaa laga yaabaa inuu saxiixo heshiis cusub oo lagu qaadan doono gunno rikoor ah oo dhan 80 Malyan oo Pound xilli sidoo kale laacibkii ay rajeyneyso iney lacago badan ka hesho iibinta xuquuda magaca Camp Nouo xilli ciyaareedka soo socda.

Waa wax iska caadi ah in kooxaha ay gunno ugu daraan ciyaartoyda heshiiska cusub, balse gunada Messi lagula heshiiyay waxey u dhaxeysaa qiyaastii 79 Malyan ilaa 85 Malyan Oo Pound, waxaana la aaminsan yahay iney tahay middii ugu badneyd ebid.

Warbixin isbuucaan uu soo saaray wargeyska L’Ara ayaa tilmaameysa in mushaaraadka ay bixiso Barcelona uu daqliga laacibkii ka yahay 84%, madama ay sare ugu kacday 430 Malyan oo Pound. inkastoo heshiis kordhinta Messi aysan ku jirin tiradaas, sababtoo ah heshiiska cusub gunadiisa waa sanadle, qeybna kama ahan mushaarka.

Barcelona waxey rajeyneysaa iney ku dhawaaqdo heshiis cusub oo ay la galeyso shirkadda Nike sanadka soo aadan, si ay isugu dayaan iney sare ugu qaadaan dakhligooda awoodna ugu helaan bixinta mushaarka iyo gunooyinka – xilli ciyaareedka soo aadan wuxuu yeelan doonaa Camp Nou magac cusub sida la filayo.

Shaqada laga qaban doono Camp Nou lama jadwaleynin ilaa 2019, balse sida la hubo garoonka wuxuu magac cusub yeelan doonaa horaanta sanadka 2018 madama ay heshiis la gaareen shirkada Van Wagner taas oo mar hore daraaseysay dooqyada garoonka.

Heshiiska labada dhinac wuxuu shaqeynaa muddo 25-sanadood ah taasna waxey sare u qaadi kartaa dakhliga laacibkii, waxeyna sidoo kale ka saacideysaa bixinta gunada Lionel Messi.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII