LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Banaadir SC vs Elman FC: Kulanka Gobolka oo galabta ka dhici doona garoonka Koonis….(Halkan ka aqriso wax kasta oo aad ugu baahan tahay ciyaartan)

ciyaaar

(Muqdisho) 14 Jan 2016. Kooxaha Banaadir Sports Club iyo Elman FC ayaa galabta isaga hor imaan doona kulan ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya garoonka Banaadir ee degmada C/casiis.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Tartanka: Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya 2015-2016

Taariikhda: 14/01/2016

Maalinta: Khamiis

Kooxaha: Banadir S C vs Elman FC

Saacadda: 3:45 PM

Garoonka: Banaadir Stadium

Kulankan dhexmara labada kooxood ee Elman iyo Banaadir ayey laacibkii u bixisay kulanka Gobolka , sababtuna waa in labada kooxood ay yihiin kuwa sanadihii dambe ugu awoodda roonaa Soomaaliya.

Kooxda Elman ayaa kulankii ugu dambeeyay waxa ay 1-0 uga adkaatay naadiga Gaadiidka, halka Banaadir ay guul kasoo gaartay laacibkii Saxafi.

Waa mid ka mid ah kulamada ay sida weyn dadku u xiisayaan waayo labada kooxood ayaa waxaa ka dhaxeeyo xifaaltan gooni ah.

Lixdii kulan ee ugu dambeysay ay wada ciyaareen labadan kooxood waxa  ay iska dhaliyeen 11 gool, waxaana goolasha ugu badan dhalisay naadiga Banaadir.

Elman ayaa sanadkii hore iyadoo wadata xiddigo ajaanib ah waxa ay wajahday BSC, balse sanadkan naadiga Elman, uma ciyaarayo xiddig ka baxsan dalkeena Soomaaliya.

Kooxda BSC ayaa haddii ay guul gaarto waxa ay kusoo laaban doontaa hoggaanka horyaalka iyadoo tagi doonta 10 dhibcood, halka Elman haddii ay badiso ay ku dhibco noqon doonto hogaaminyaasha horyaalka ee Dekedda oo ku hor kaceyso 7 dhibcood.

Sikastaba horyaalka Soomaaliya ayaa sanadkan ka xiiso badan sanadihii hore mahadaama ay si weyn isku dhiseen kooxaha ka qeyb galaya horyaalka ,iyagoo lasoo wareegay xiddigo wax tar leh.

Natiijooyinka Lixdii ciyaar ee ugu dambeysay kooxahan iyo kulanku goorta uu dhacay:-

Natiijooyinka horyaalkii 2012/2013:

02/07/2012   Elman FC    1 : 1   Banadir S.C

18/10/2012   Banadir S.C 1 : 2   Elman FC

Natiijooyinka horyaalkii 2013/2014:

12/11/2013   Elman FC    1 : 3   Banadir S.C

21/02/2014   Banadir S.C 0 : 0   Elman FC

Natiijooyinka horyaalkii 2014/2015:

22/01/2015         Banadir S.C         1 : 1        Elman FC

13/04/2015         Elman FC              0 : 0        Banadir S.C.

ciyarta

Gool FM.

Source: New feed

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII