LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Arsene Wenger oo beegsanaya saxiixa Alvaro Morata

(London) 15 Jan 2016 Kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska ayaa doonaysa weerar yahanka laacibkii Juventus Alvaro Morata kaas oo aad loola xiriirinayo inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Real Madrid ayaa ku dartay qodob ah inay dib ula wareegi karto Alvaro Morata dhamaadka xiliciyaareed kan markii uu ku biirayay Juventus, balse ganaaxa ka saaran suuqa waqtigaas ayaa ku keenaya Arsenal inay hesho fursad ay ku qaadato laacibkii kaan reer Spain.

The Sun ayaa daaha ka qaaday Arsenal ay doonayso inay ka faa’idaysato ganaaxa suuqa lagasaaray Real Madrid isla markaana ay gacanta ku soo dhigto dhamaadka xiliciyaareed kan Alvaro Morata.

Arsenal ayaa aad uga dhibtoonaysa booska gool dhaliyaha kadib markii kooxdu aysan soo iibsan weerar yahan suuqii xaggaaga iyo kan haatan ee janaayo oo aan la filayn in Wenger uu saxiix kale sameeyo.

Alvaro Morata ayaan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa Juventus xiliciyaareed kan tababare Allegri ayaana ka doorbidaya inuu weerarka si joogto ah uga ciyaarsiiyo Dybala iyo Mandzukic.

Gool FM


Source: New feed

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII