LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Arsenal Oo Wadahadalo Kula Jirta Serri, Red Devils Oo Kalsooni Ku Qabta Alderweireld & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Marka la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalada Yurub waxaa furmi doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, laakiin ka hor ayay kooxaha sii calaamadeysanayaan xiddigaha ay doonayaan inay adkeeyaan kooxahooda ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Waxaan saaka idiin soo koobnay wararkii ugu muhiimsanaa ee ay qoreen wargeysyada Ingariiska, sugnaanshaha wararkaan laacibkii.net mas’uul kama ahan waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.


Mikel Arteta oo 36-jir ah ayaa ugu cad-cad inuu shaqada ka badalo Arsene Wenger, kadib markii uu wadahadal la yeeshay maamulka. (Independent)

Arsenal ayaa wadahadal kula jirta burburiyaha Nice Jean-Michael Seri oo 26-jir ah, laguna qiimeeyo aduun dhan 40 Malyan oo Poun. Si kastaba laacibkii London kala dhisan ee Chelsea ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro. (Mirror)

Manchester United aya kalsooni ku qabta iney lasoo saxiixaneyso 29-jirka Spurs Toby Alderweireld, Red Devils in ka badan 40 Malyan ayey diyaar la tahay. (Evening Standard)

Daafaca Leicester City Harry Maguire oo 25-jir ah ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa kadib koobka Aduunka, kooxo badan oo Premier League ka dhisan ayaa xiiseynaya. (Mirror)

Mauricio Pochettino ayaa diyaar u ah inuu iska diido dalab kaga yimaada laacibkii ay sida weyn u xifaaltamaan ee Chelsea. (Star)

Liverpool ayaa lasoo saxiixaneysa 20-jirka Chelsea Isaac Christie-Davies kaas oo aan heshiis cusub lagu abaalmarin, si xor ah ayey ku heli kartaa. (ESPN)


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII