LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Arsenal Oo Suuqa Dhigtay Hector Bellerin Si Ay Bedelkiisa U Hesho Saddex Ciyaartooy

Arsenal ayaa diyaar u ah inay iibiso Hector Bellerin si ay lacagta ay ka hesho ugu qarsh gareyso suuqa kala iibsiga xagaaga, sida laga soo xigtay wargeysyada.

Bellerin ayaa xilli ciyaareed isku dhafan ku qaadanaya Emirates ka dib markii uu ku guul darreystay inuu ku laabto Barcelona xagaagii lasoo dhaafay.

Daafaca midig ayaa silama filaaan ah kaga soo muuqday Arsenal saddex sanno ka hor, waxaana uu haatan kujiraa 18kii bilood ee ugu dambeyay qandaraaskiisa Emirates.

Daily Mail ayaa sheegeysa in Arsenal ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada u imaanaya Bellerin, laakiin waxa ay kaliya ku fasixi doonaan dalab 50 milyan oo ginni ah.

Bellerin oo 22 jir ah ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona, halkaasoo uu ku qaatay sideed sanno ka hor inta uusan ku biirin Arsenal 2011kii.

Manchester City ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa daafacaan, laakiin uma badna inay iibisadaan kadib markii Kyle Walker kala soo wareegeen laacibkii Tottenham.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedkii kooxdiisa ay soo bandhigtay kulankii Watford ay 3-0 kaga badiyeen axadii.

Waxaa la sheegay in Bellerin uu diyaar u yahay inuu ka tago Arsenal haddii uu helo fursad uu ugu dhaqaaqo mid kamid ah kooxaha waa weyn ee kubadda cagta.

madaxa laacibkii Arsenal Sven Mislintat, aya doonaya inuu ugu yaraan seddex ciyaaryahan oo cusub kusoo daro kooxdiisa xagaagan.

Arsenal ayaa u baahan goolhaye, daafaca dhaxe iyo khad dhexe marka uu furmo suuqa kala iibisga xagaaga.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII