LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Antonio Conte oo xaqiijiyay inuu todoba (7) sano ka hor isku dayay Alexis Sanchez – miyuu hadda u dhaqaaqayaa?

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababare Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayay saxiixa Alexis Sanchez dhawr sano ka hor gaar ahaan markii uu la wareegay xilka tababaranimo ee Juventus, xilli xidiga reer Chile uu ku sugnaa laacibkii Udinese.

Alexis Sanchez wuxuu sanadkii 2011 ku biiray Barcelona isagoo ku sugnaa ilaa 2014 isagoo go’aansaday inuu kusoo biiro laacibkii Arsenal, balse haatan xaaladda ayaa ku xun wuxuuna doonayaa inuu isaga guuro Emirates Stadium.

Antonio Conte oo ku jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Leicester City ayaa qiray inuu isku dayay xidigaas saxiixiisa, isla markaana uu aad u xushmeeyo.

 “Aad ayuu u garanayaa inaan xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyay ee Juventus isku dayay inaan lasoo saxiixdo, balse wuxuu go’aansaday inuu aado Barcelona” ayuu yiri Conte.

“Aad ayuu u yaqaanaa sida aan u xushmeeyo, waxeyna aheyd fursad fiican oo aan ku salaamo” isagoo ka jawaabayay dhabar ka taabashadii uu ku sameeyay ka hor kulankii London Derby ee Carabao Cup.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII