LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Alexis Sanchez oo jawaab lama filaan ah siiyey tababaraha Man United Jose Mourinho kaasoo isku deyey inuu ka afduubto Man City

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Weeraryahanka laacibkii Arsenal Alexis Sanchez ayaa ku gacan seyray tababaraha Manchester United Jose Mourinho kaasoo doonayey inuu saxiixiisa ka afduubto laacibkii Manchester City.

Warbaahinta England, ayaa shalay daaha ka qaaday in Manchester United ay kusoo biirtay isku diyaarineyso inay 25 milyan oo ginni oo kaash ah oo lagu daray xiddiga qadka dhexe ee ku fadhiya 30ka milyan oo ginni Henrikh Mkhitaryan ay ku dalbato weeraryahanka laacibkii Arsenal Alexis Sanchez kaasoo isha ku haya inuu baxo.

Ujeedka Manchester United ayaana ahaa inay saxiixa xiddigaan uga adkaato laacibkii ay deriska yihiin ee Man City.

Si kastaba h ahaatee, Alexis Sanchez ayaa iska diiday qorshaha Jose Mourinho, inkastoo ay Man United Isbuucii mushaar ahaan ugu ballan qaaday 275 kun oo ginni.

Alexis Sanchez, oo 29 sanno jir ah ayaa daaha laga qaaday inuu keliya doonayo inuu ku biiro laacibkii tababare Pep Guardiola ee Man City.

SHARE

Facebook

Twitter

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII