LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Agaasimah Guud Ee Barcelona Pep Segura Oo Xushmad Laawe Ku Tilmaamay Xiddiga Careysan Ee Arturo Vidal.

Saxiixa cusub ee laacibkii Barcelona Arturo Vidal ayaa si dhaqso leh caro uga muujiyay inuusan helin waqti ku filan uu kooxdiisa u ciyaaro, wuxuuna baraha bulshada soo galiyay dhawr qoraal oo koobaya sida uu kaga careysan yahay wax walba oo dhacay.

Agaasimaha guud ee laacibkii Barcelona Pep Segura, ayaa aaminsan in qoraaladaas uu soo dhigay Arturo Vidal ay xushmad darro ku tahay saaxiibadiisa laacibkii iyo sidoo kale guud ahaan magaca laacibkii.

“Vidal wuu ogyahay inuu sameeyay qalad taasoo ah inuu saaxiibadiis usoo bandhigay xushmad darro, balse waan hubaa inuu sixi doono” ayuu yiri Pep Segura.

“Waxey yeelanayaan laba macno” ayuu yiri agaasimaha guud oo ka hadlayay fariimaha uu xiddiga soo dhigay baraha bulshada waana mid la mid ah wareysi la siiyo Mundo Deportivo.

“Waxey ku tusineysaa inuu yahay qof doonaya inuu si fudud u dhexgalo Barcelona, kaas oo sidoo kale doonaya inuu caawiyo laacibkii, waxeyna taas dareensiisay jahawareer shaqsiyadeed, sababtoo ah waqti badan ma uusan helin”

“Waa inuu si xushmadeysan ula shaqeeyaa saaxiibadiis, marka la joogo qolka labiska, laacibkii iyo sidoo kale maamulkaba”

“Waan fahansanahay inuu ogyahay in labadaas fariimood ay isaga u geysteen dhibaato ka badan qof walba oo kale”

“Waxaan filayaa inuu sixi doono”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII