LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Afar Waxyaabood Oo Ay Ka Mideysan Yihiin Xidigaha Mohamed Salah Iyo Lionel Messi, Kadib Markii Ay Xulalkooda U Soo Saareen Koobka Aduunka Sanada 2018.

Laacibka ree Egypt iyo laacibkii Liverpool Mohamed Salah iyo kan laacibkii Barcelona ee Lionel Messi, ayaa noqday mudada 48 san ee lasoo dhaafay labada xidig ugu caansan ee sida xoogan looga hadal hayay wadamada Egypt iyo Argentina. Sababa la xidhiidha bandhigoodii wanaagsanaa ay ka sameeyeen kulamada isreeb reebka koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia

Oo maxay sidaa u noqon weyday sababtoo ah waxay labaduba xulalkooda Egypt iyo Argentina u soo saareen koobka aduunka sanada 2018, Mohamed Salah ayaa soo taabtay shabaqa xulka Congo tiro laba jeer taasoo u suuragalisay in xulka faraacinada ay markale ka qeyb galaan koobka aduunka kadib mudo haatan laga joogo 28 sano.

Dhinaca kale xidiga laacibkii Barcelona ee Lionel Messi ayaa wuxuu kulankii taariikhiga ahaa ay la ciyaareen xulka qaran ee Ecuador wuxuu kaga shubay goolasha loo yaqaan saddexley, wuxuuna u suuragaliya xulkiisa Argantina in kursigiisa uu ka qabsado koobka aduunka ka dhici doono dalka Russia.

Hadaba halka hoose kala soco afar waxyaabood ay ka mideysan yihiin xidigaha Mohamed Salah iyo Lionel Messi, kadib markii ay xulalkooda u soo saareen koobka aduunka sanada 2018.

1- Xirfada:

Labadan xidig waa kuwa xirfadoodu ay wacan tahay isla markaana looga qadarayo banaanka, Salah wuxuu xidhan yahay maaliyada Liverpool halka Messi uu isna xidhan yahay maaliyada uu waayihiisa ciyaareed soo xidhnaa ee Barcelona, waxayna labaduba bandhigyo wanaagsan ka sameeyeen xulalkooda Argantina iyo Egypt kahor inta aysan u soo saarin koobka aduunka

2- Ku Ciyaarista Lugta Bidix:

Xidigaha Mohamed Salah iyo Lionel Messi ayaa waxay ku caan baxeen in inta badan ay adeegsadaan Lugta bidix, iyadoo ay yar tahay inta ay kubada cagta ku taabtaan lugta kale ee midigta inta ay ku gudi jiraan garoomada.

Waxayna ku guuleysteen in xulalkooda ay ugu soo saaraan koobka aduunka ka dhici doono dalka Russia sanada 2018.

3 – Xidhishada 10aad:

Messi iyo Salah ayaa xulalkooda u kala xidhan No, 10aad, Mohamed Salah ayaa u qaata Egypt Nombarka 10aad, sidoo kale Messi ayaa isna u xidhan Argantina isla Nombarka 10aad.

 4 – Gool dhalinta Kulamada Isreeb reebka:

Gool dhaliyaha ugu sareeya xulka Argantina ee Lionel Messi ayaa 7 gool u dhaliyay xulkiisa kulamadii isreebreebka 7 gool, halka Mohamed Salah uu isna dhaliyay 5 gool oo kaliya taasoo ka dhigtay inuu noqdo xidiga goolasha ugu badan u dhaliya xulka Egypt kulamadii lasoo dhaafay.

labadan ciyaaryahan ayaa sidoo kale lagu xasuustaa inay dhaliyeen 2 gool rikoodhe ah, isreebreebka Koobka Aduunka 2018.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII