LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

5-arin ayaa lagu sababeeyay hoos u dhaca 2018 Barcelona heysto iyo in hogaankeeda La Liga 7-dhibood laga dhigo

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxda Barcelona hogaanka La Ligaha Spain haatan waxay ku heysaa 7-dhibcood waxaana siweyn usoo karaar qaadatay naadiga Atletico Madrid.

Naadiga Ernesto Valverde hogaamiyo marka 2018 lasoo galay waxaa la aaminsanaa in xili hore shaqada La Ligaha soo idleen doonaan madaama ay dhibco fara badan hogaanka ku hayeen.

Balse labadii kulan La Ligaha Spain ugu dambeesay ay bar bar dhac galeen ayaa ka dhigtay in haatan loolanka horyaalka furan yahay.

Shabakada Marca ayaa 5-arimood kusoo koobtay hoos u dhaca 2018 Barcelona si lama filaan ah u sameeneyso:

Jadwal Mashquul Badan: Barcelona 6-todobaad ee ugu dambeesay 12-kulan ayay cayaartay waana sababta keentay in guuldaradii ugu horeesay xili cayaaredkan Espanyol biday sidoo kalena labadii kulan ee ugu dambeesay La Liga kooxdan kuftay.

Messi Iyo Suarez: Weerarka Barcelona wuxuu ku dhisan yahay Messi iyo Suarez hadii labadaan Koonfur Ameerika kasoo jeedo culees la saaro ama bandhigooda liito mararka qaar ma jirto cayaaryahan kale oo ay laacibkii ku baxsan karto. Tusaale waxaa noogu filan in labadii kulan ee ugu dambeesay Messi iyo Suarez wax gool ah dhalinin.

Paulinho Iyo Kuwo Kale Oo Hoos U Dhac Bilaabeen: Paulinho shaqo wacan ayuu laacibkii u hayaa balse todobaadyadii ugu dambeesay bandhigiisa hoos ayuu u dhacay si la mid ah kuwa kale ee laacibkii ku sugan iyagana macalin Valverde ma caawinayaan dhanka dhalinta goolasha.

Qaybta Labaad Cayaarta: Inta badan xili cayaareedkan Barcelona qaybta labaad cayaarta ayay guusha heleesay ama goolal muhiim ah dhalineesay.

Laakiin todobaadyadii ugu dambeesay Barcelona waxay gabtay qaybta labaad cayaarta inay bandhig wacan sameyso ama goolal badan dhaliso.

Saxiixyada Cusub Kooxda Ma Caawinayaan: Coutinho iyo Dembele waa inay si dhaqsi ah laacibkii ula qabsadaan kana qayb qaataan caawinta naadiga, lacagaha ay xambaarsan yihiin iyo bandhiga ay sameenayaan iskuma qalmaan kooxdana weli marti ayay ku yihiin.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII